Real life experience

Real life experience
Customers talk about it. I will be posting reviews from real customers soon

Monday, March 30, 2009

Sidoo looga qaataa Masawir website-yada Right Click aan ogoleyn ama Falaashka isticmaala?

Sidoo looga qaataa Masawir website-yada Right Click aan ogoleyn ama Falaashka isticmaala?

Su'aashan waa mid is weydiin wacan.  Waxaana rabaa inaan si fudud u sharaxo.  Si su'aasha jawaabteeda u fududaato, waxaan u kala bixinayaa labadan.

1.  Sideebaa loo Masawirtaa Falaashka ka muuqda web site?
2.  Sideebaa loo keydsadaa sawir dhex yaal website right click ogoleyn

Mararka qaar waxaan arkaa website laga heli karo sawirro qurxoon, ama murti leh oo keydis mudan.  Hase yeeshee, qofkii soo saaray kaas waa diidan yahay in lala wadaago oo waxa xanibay keydinta sawirradaas.  Si uu kaaga joojiyo keydista, waxuu dhex geliyey Falaash feylkii kadibna soo bandhigay.

Maadaama feylka sawirku dhex yaal yahay Falaash, ma awoodid inaad sawirkaas dejisato (ama download, ama right click-copy image).  Balse isticmaal prt scr batoonka ah kuna yaal Keyboardka.  

1. Gaar website ka, fur sawirka oo soo saar screenka
2. Adigoo fiirinaya masawirka, Riix PTR SCR (Print Screen) 
3. Fur Start > Program Files > Accessories > Paint
4. Markuu Paint furmo, Dooro Edit > Paste

Durbo waxaad arkee sawir laga qaaday muraayadda (monitor)ka .

5. Riix Selection Tool (waa batoon square u eg oo falaarta afkeeda midigta ka yaal)
6. Kor mare sawirka adigoo santuuq ku hareereynaya (select the picture area)
7. Riix Edit > Copy
8  Riix File > New - Kadib riix No 

Markuu feyl cusub Paint ka furmo waa inaad sawirka dhex gelisaa ka dibna save (keydin) ku sameysaa

9. Fur Edit > Paste
10. Riix File > Save

Kadibna feylka ku xaree meel aad hadhoow ku arki karto haddii aad rabto inaad dib u furato.