Real life experience

Real life experience
Customers talk about it. I will be posting reviews from real customers soon

Tuesday, January 20, 2009

Re: Alshabab Cannot Participate in Somali Peace Talks Says Ethiopia


Xoogaga MMIS garabka Dr.Cumar Iimaan ayaa Galabta weerar xoogan oo ka fool ka fool ah ku kala qaaday Ciidamada DKMG ah ee Fariisimaha ku kala leh Xeradii hore ee Asluubta iyo Sarkuusta Duleedka Mgaalada Muqdisho.

Xiriir aanu la sameynay Dr.Xasan Mahdi oo ka mid ah Mas'uuliyiinta ugu sar-sareysa MMIS garabka Dr. Cumar Iimaan ayaa sheegay in Dagaal socday wax ka badan Hal saac ay ku ekeeyeen labadaasi fariisin isla markaana ay la wareegeen gacan ku haynta fariisinka Sarkuusta.

Mar aanu weydiinay Khasaaraha dhinacooda soo gaaray ayaa waxa uu sheegay in uu Dagaalkaasi kaga geeriyooday Hal wiil mid kalana uu ka dhaawacmay, wuxuuna sheegay in aysan si dhab ah u sheegi Karin khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray dhinaca DKMG ah.

Waa Dagaalkii ugu horeeyay oo ka fool ka fool ah oo ay Xoogaga MMIS Garabka Dr. Cumar Iimaan ku qaadeen Xeradii hore ee Asluubta tan iyo markii ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya halkaasi ka guureen.

Sidoo kale Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xili ay Maanta Dagaalo xoogan ka kala dhaceen, Degmada Yaaqshiid, iyo Dharkaynleey.

SomaliMirror

No comments: